Deutsch Englisch
 

Waxaan u baahanahay caawimaad

 

Waad salaaman tahay, waxaan nahay KOBI waxaana caawinaa Dadka, kuwaas oo loogu hanjabayo ama ay saameyso Guurka khasabka ah iyo Dadka ku khasban inay ka shaqeeyaan dhilleysiga, iyaga oo aan raali ka ahayn ama kuwa galmada loo ga faa’iidaysto.

 

Ma laguu hanjabay mise waa lagaa faa‘iidaystay?

Ma waxaa lagugu khasbay inaad ka ganacsato dhillaysiga? Miyuu Pimp-kaagu hayaa dhakhligaaga mise wuxuu kuu gaystaa rabshad?

 

Waxaan qabanaa wadahadal qarsoodi ah, sidoo kale turjubaano.

Waxaan kuu sharaxeynaa xuquuqdaada, oo aan kula talinaynaa.

Haddii ay dhacdo xaalad dedeg ah, waxaan ku siin doonaa hooy ammaan ah oo aan la aqoon.

Waxaan sidoo kale kaa caawinaynaa Codsiyada tusaale ahaan waxtarada Bulshada, waxaana kuu qabanqaabinaynaa ballamaha Dhakhtarka ama caawimaad tarabii ah.

 

Nala soo hadal:

Xaaladaha degdegga ah, waxaad mar walba wici kartaa telefoonka caawinta "Rabshadaha ka dhanka ah dumarka" -Lambarka telefoonka: 116 016 ama booliska - Lambarka telefoonka: 110.